XOG: Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya oo Kulan Xasaasi ah ka yeelanaya Muranka Labada Dal


Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadka dambe tagaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda,halkaas oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Dalka Kenya.

Magaalada Kampala ayaa waxaa 12ka Bishan ka furmaya shir cusub oo loogu magac daray shirka Afrikada hadda.

Labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Awel Uwihanganye, oo ah Agaasimaha Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika oo shirkan qaban qaabisay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgelayo shirkaasi oo dhacaya 12ka ilaa 13ka Bishan March.

Madaxweynaah Uganda ayaa shirkan furaya waxaana ka qeygelaya Madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Hassan Suluhu, Madaxweynaha Masar C/Fataax Al siisi,Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, iyo Madaxweynaha Koofur Afrika Syril Ramaphosa.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Uganda ayaa wargeyska KML u xaqiijiyay in Madaxtooyada Uganda ay qaban qaabineyso shir doceed la isugu keenayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya.

16kii Bishii la soo dhaafay Kenya ayaa soo ceyrisay danjirihii Soomaaliya halka keediina ay 16kii Bishii la soo dhaafay Kenya ayaa soo ceyrisay danjirihii Soomaaliya halka keediina ay kala baxday Muqdisho,maalin kaddib,waxaa ay Kenya sheegtay in wax ka yar khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ay ku dagaallamaan dalalka qaar sidaas darteedna ay Kenya is difaaceyso qiime kasta oo uga baxaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedda Kenya ee la xiriirta in Soomaaliya ay biyaha Kenya ku sameysay sahmin shidaal.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *