Hoobiyayaal lagu garaacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho


Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Soomaaliya ee 15-ka May iyo Xaafadda Caga Dhiig oo ka tirsan degmada Warta nabada.

Madaafiicda qaar waxey ku dheceen dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Illaa Afar hoobiyeyaal ah ayaa lagu qiyaasayaa Madaafiicda soo dhacday oo si faah faahsan aanan loo helin goobaha rasmiga ah ee ay ku kala dhaceen.

Al Shabaab ayaa xilliyada qaar sidan oo kale madaafiic ugu soo tuurta Madaxtooyadda Somaliya.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *