XASAASI: Ka Hor Inta La Dilay Xildhibaan Boqore Galabta Waxa Uu tegay Saldhiga Degmada Kaaraan Isagoo…


Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaabkii loo toogtay Gabal dhicii maanta Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dilka Xildhibaanka waxaa geystay rag bistoolado watay iyo gaari nuuca raaxada ah,qaarkood gacan ku dhiiglayaasha ayaa baxsaday kuwana waa la qabtay.

Eheladiisa waxay qaar ka mid ah sheegeen in Xildhibaanka maalmahaan dambe uu ku mashquulsanaa muran dacwad dhul uu ku lahaa Degmada Kaaraan uuna degganaa.

Ka hor inta aan galabta la khaarajin Xildhibaan Boqore waxa uu tegay Saldhiga Degmada Kaaraan,taas oo la leeyahay waxaa uu dacwad ahaan ugu tegay dadkii guriga uu lahaa ku heystay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilkiisa uusan aheyn mid kooxaha dawlada kasoo horjeeda geysan oo Arimaha is qab qabsiga dhulka iyo dacwada uu ku jiray ay ku lug leedahay.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *