Rag hubeysan oo ka dhex-dagaalamaya hotel Maka Al-Mukarama iyo bambooyin iyo rasaas la maqlayo


Rag Hubeysan, oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku jira, islamarkaana toos ugu dhex dagaalamaya gudaha Hotel Maka Al Mukarama, sida ay sheegayaan warar nasoo gaaray

Qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro ah iyo rasaas xooggan ayaa laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka Maka Al-Mukarama, Rasaas xoogan ayaa dhaceeysa gudaha hoteelka.

Dad badan ayaa ku xaniban gudaha hoteelka kuwaas oo u baahan ladadbaadiyo.

Hey’adaha Amniga wali war rasmi ah kama soo bixin balse ciidanka gaar ah ayaa goobta ku sugan iyo masuuliyiin ka titsan dowlada Soomaaliya.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *