IMF oo shaaca ka qaaday war wanaagsan oo ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya


Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%.

IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan.

Hay’adda fadhigeedu yahay Washington, ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 2017 uu dhaqaalaha sare u kacayay, sicir bararka hoos u dhacayay sidoo kalena heerka is dhaafsiga ganacsiga ee tabanna uu sii yaraanayay.

Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017.

$8 Milyan oo doollar ayaa ku korodhay xilli xisaabeedkii 2018, marka la dhinac dhigo xilli xisaabeedkii 2017.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *