DHAGEYSO SIRCULUS: Ciidamo loo diray Qalbi-dhagax iyo Hal arrin oo looga digay


Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Dalxus.com ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya loo diray halka uu Muqdisho ka degan yahay Cabdi kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Ciidamadan oo fulinaya amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida ayaa la kulmay Qalbi dhagax oo ay ku wargaliyeen inuu ka fogaado falal amni daro u keeni kara magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ayaa Qalbi dhagax ku wareejiyay Warqad ay ku qoran yihiin Waxyaabaha aysan dowlada Soomaaliya ogoleyn inuu sameeyo, iyadoo laga duulayo maadaama uu dhexda kaga jiro Siyaasiyiinta Mucaaradka oo u adeegsan kara Falal Guracan sida Dowlada ay maleyneyso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ay ogaatay in Mucaaradka ay doonayaan siday u qaban lahaayeen isku soo bax uu Khudbad ka jeedin lahaa Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Shaqsiyaad u dhow Cabdi Kariin Qalbi dhagax ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Nabad sugida ee la kulmay Cabdi kariin Qalbi dhagax ay si ixtiraam leh ugu wareejiyeen fariintii loo soo dhiibay, waxaanse la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Qalbi dhagax.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Soomaaliya ayaa ka feejigan Talaabooyin looga soo hojeedo oo Mucaaradka ay u adeegsan karaan Cabdi Kariin Qalbi dhagax.

Update


Nagala Soo Xiriir

dalxus@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *